Wareega 16-ka tartanka Champions League ayaa dib u bilaaban doona iyada oo kooxaha ka qayb galaya tartanku u tartamayaan u gudbista wareega xiga ee tartanka.
Maalinta Salaasada ayuu tartanka champions League dib u bilaaban doonaa iyada oo kulamo xiiso iyo xamaasad leh si weyn loo sugayo.
Xiddiga kooxda PSG iyo xiddiga Liverpool ee Salah iyo Mbappe ayaa ilaa haatan ugu goolal badan tartanka champions League kadib markii la soo afjaray wareega Group-yada.
Xiddigaha Salah iyo Mbappe ayaa dhaliyay min 7 gool 6-dii kulan ee wareegii Group-yada tartanka champions league oo la soo afjaray.
Waxa ku xiga 3 xiddig oo min 5 gool ka dhaliyay halka ay ku xigaan 10 xiddig oo dhaliyay min 4 gool wareegii Group-yada tartanka champions League.
0 Comments