Kooxda Man City ayaa isku dayi doonta inay dhigato rikoor cusub oo guulaha ah marka ay la ciyaarayso kooxda Hogaaminaysa horyaalka premier League ee Arsenal kulan ka dhici doona Emirates.
Rajada horyaalka Citizens ayaa sare u kacday isbuucii hore ka dib markii Gunners ay lumisay labo dhibcood – waloow ay jiraan xaalado muran badan dhaliyay.
24 Saac kadib kooxda Man City ayaa ka faa’iidaystay luminta Arsenal ee dhibcaha waxana ay ka badisay kooxda Aston Villa waxana ay haatan kaliya 3 dhibcood ka dambeeyaan Arsenal.
Inkasta oo ay Man City dhayalsan karin Arsenal iyo kulanka sugaya Hadana Waxa ay kulanka ku galaysaa rajo fiican maadama ay rikoodh fiican ku leedahay Arsenal.
Xaqiiqada ayaa ah in ay Man City badisay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Arsenal premier League iyada oo waliba 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ku badisay garoonka Arsenal tartamada oo dhan.
Hadii ay Kooxda Pep Guardiola jeebka ku shubato 3-da dhibcood ee ciyaarta kulanka Arsenal waxa ay noqon doontaa kooxdii ugu horaysay ee taariikhda Premier League 7 kulan oo xidhiidh ah ka badisa Arsenal.
0 Comments