Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay shir
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay shir gaar ah oo looga hadlayay ammaanka guud ee caasimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, si looga hortegao falalka amnia darrida ah iyo weerarada Shabaab.
Shirkan waxaa isugu yimid dhammaan saraakiisha hay’adaha amniga
Shirkan waxaa isugu yimid dhammaan saraakiisha hay’adaha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay daadajinta amniga caasimada dalka.Saraakiisha goobjooga ahaa shirkan waxaa kamid ah Taliyaha NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha ciidanka Booliska, Sulub Axmed Firin, Taliyeyaaasha qaybaha Boliiska iyo Nabad sugida Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyeyaasha Qeybaha iyo kuwa saldhigayada Gobolka Banaadir.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay daadajinta amniga
Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay daadajinta amniga caasimada iyo sidoo kale nawaaxigeeda, si looga hortego khatar kasta oo amni.Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday shirka isla xisaabtanka amniga caasimada, si xal loogu helo dhibaato kasta oo ka dhaca Muqdishol.
0 Comments