Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa shir gaar ah
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa shir gaar ah ku casuumay dhammaan madaxda goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.Shirkan oo ah midka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa madaxda lagu casuumay waxaa kamid ah madaxweynaha Puntland, Saciid Deni oo haatan khilaafkii ugu xumaa uu kala dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo dhawaan xiriirka u jaray dowladda dhexe
Nuqul kamid ah warqadda casuumadda ah oo ay heshay Caasimada
Nuqul kamid ah warqadda casuumadda ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa waxaa madaxda maamul goboleedyada looga codsaday inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo magaalada Muqdisho ka dhcii doono inta u dhexeeysa 20 illaa 21-ka April ee sanadkan.
Mudanayaal madaxweynayaal salaan diirran ka dib waxaa
“Mudanayaal madaxweynayaal salaan diirran ka dib waxaa sharaf ii ah inaan idinku casuumo in aad kasoo qaybgashaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka dhici doona Muqdisho inta u dhexeeysa 20 illaa 21-ka April”ayaa lagu yiri qoraalka casuumaadda ah.
.
0 Comments