Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud.Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saldhigyadaas ay ka amba-baxayaan cutubyo ciidan ah oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka dibadiisa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran iyo dhiirri-galin ayaa ku adkeeyey rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka miro-dhalka ah ee dalka lagaga xoreynayo
Xasan Sheekh ayaa ciidamada uga warbixiyey filashada ay qabaan dadka ku nool
Xasan Sheekh ayaa ciidamada uga warbixiyey filashada ay qabaan dadka ku nool deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu oo u hamuum qaba in laga dulqaado cadowga dhiig miiratada ah.Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah.
0 Comments