Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka

xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka 


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore ee hay’adda , Mudane Mahad Maxamed Salaad, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey 

Ugu horreyn madaxweyne Xasan oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee NISA Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha iyo askarta Nabad-sugidda inay si dhow ula shaqeeyaan agaasimaha cusub, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe),

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime

Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno” ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Post a Comment

0 Comments