Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo

xasan

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo 


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.Degmadan uu maanta gaaray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa socdaalkan ku wehlinayay 


Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa socdaalkan ku wehlinayay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, waxaana qeyb ka ah mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa u daaran dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab iyo dhiiri-gelinta ciidanka geesiyaasha ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, si dhiig cusub loogu shubo gulufka uu gaabiska ku yimid.

Xarardheere ayaa astaan u ah adkeysi iyo fara-adeyg

Xarardheere ayaa astaan u ah adkeysi iyo fara-adeyg ay sameeyeen dadkeeda in magaalada noqoto meel ka caagan argagixisada, maadaama ay noqotay deegaan si rasmi ah loo xasiliyay oo noloshii ay dib ugu soo laabatay, sida waxbarashadii iyo adeeggii kale ee bulshada.




Post a Comment

0 Comments