Duqa Muqdisho ayaa mar kale ku celiyay amar horay uga soo baxay maamulka gobolka

madaale

 Duqa Muqdisho ayaa mar kale ku celiyay amar horay uga soo baxay maamulka gobolka


Duqa Muqdisho ayaa mar kale ku celiyay amar horay uga soo baxay maamulka gobolka oo ah in gaadiidka waaweyn aysan socon karin maalintii ee loo ogolay habeenkii xilliga dambe.“Horay awaamiir ayaa looga soo saaray baabuurta xamuulka ah oo aysan socon karin maalintii oo habeenkii 10:00 habeenimo ay tahay lasoo fasaxo” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mas’uuliyadda dhibaatadi

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mas’uuliyadda dhibaatadii xalay dhacday ay qaadi doonto cidda soo fasaxday gaarigaas oo kasoo baxay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho.Dambiga waxaa qaadayo cidda soo fasaxday ayada oo waqtigii amarkaas la bixiyay kahor ay tahay” ayuu mar kale yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Dhinaca kale waxa uu fariin u diray ciidamada Taraafikada

Dhinaca kale waxa uu fariin u diray ciidamada Taraafikada oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan xadgudubyada ay gaysanayaan baabuurta xamuulka ee ku sugan MuqdishoWaxaa sidoo kale lagama maarmaan in taliska nabad-gelyada waddooyinka in aan marnaba la aqbalin waqtigii loo asteeyay kahor inay baabuurtaasi magaalada ay maraan” ayuu yiri.




Post a Comment

0 Comments