Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa
Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.Shirka ayaa oo isha aad loogu hayay, ayaa waxaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka dalka loo sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee baneystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.Sidoo kale, waxaa warbixin laga dhageystay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha warbixin sanadeedka-2023 guulihii laga gaaray Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.
Kulanka Golaha Wasiirada ayaanan marnaba lagu soo hadal
Kulanka Golaha Wasiirada ayaanan marnaba lagu soo hadal qaadin wax isbeddel ah oo ku aadan hadal-heyntii soo bilaabatay markii Hotel SYL ay Al-Shabaab weerareen Jimcihii hore, taas oo ku aadaneyd in Xasan Sheekh uu qorsheynayo in hoggaanka NISA iyo Taliska Xoogga uu is bedel ku sameeyo.
0 Comments