Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wasiirada arrimaha gudaha ee qaar kamid ah dowlad goboleedyada, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.
Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya
Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirada 4 maamul goboleed oo kala ah mudane Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo.
Sidoo kale waxaa wasiiradan horkacayay wasiirka arrimaha gudaha
Sidoo kale waxaa wasiiradan horkacayay wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi oo isna qayb ka ahaa kulanka ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa mid is xog wareysi ah oo ku aadan wada shaqeynta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
0 Comments