Soomaaliya ayaa heshay 99 boqolkiiba deymihii lagu lahaa oo ay ku lahaayeen xubnaha kooxda Paris
Soomaaliya ayaa heshay 99 boqolkiiba deymihii lagu lahaa oo ay ku lahaayeen xubnaha kooxda Paris Club ee dalalka deymaha bixiyayaasha, Paris Club ayaa Arbacadii sheegtay, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ay dagaalladu aafeeyeen si ay dib ugu biirto kooxda maaliyadeed ee caalamiga ah. .
Paris Club oo ah hay’ad xiriir la leh wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska
Paris Club oo ah hay’ad xiriir la leh wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xoghayn u ah dalal badan oo deyman bixiyayaasha ah ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Japan iyo Ruushka ay cafiyeen in ka badan 2 bilyan oo dollar oo Soomaaliya lagu lahaa.
Dalka Geeska Afrika waxa uu xaq u yeeshay in ka badan $4.5 bilyan
Dalka Geeska Afrika waxa uu xaq u yeeshay in ka badan $4.5 bilyan oo deyn cafis ah oo laga cafiyey dhammaan deymaha ka dib markii uu soo gebagebeeyey dadaalkii deyn cafinta ee ay kormeerayeen hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Baanka Adduunka bishii December.
0 Comments