Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre

xamze

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xalay tegay isbitaalka Digfeer oo la dhigay inta badan mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Ujeedada Xamza ee booqashada Isbitaalka Erdogan, 

Ujeedada Xamza ee booqashada Isbitaalka Erdogan, ex Digfeer ayaa ahayd si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ay habeen kahor ku qaaday hotelkaas oo u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa  ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada,  isaga oo allw uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.Sidoo kale wuxuu ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.


Post a Comment

0 Comments