Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta taliye cusub u magacoway guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor

taliye

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta taliye cusub u magacoway guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor


Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta taliye cusub u magacoway guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, kadib markii dhowaan lagu dilay taliyihii guutadaas, Cabdi Maxamed Suulnuug, kaas oo ku dhintay dagaalka Mudug.

Taliye ku xigeenka cusub ee guutadan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xasan

Taliye ku xigeenka cusub ee guutadan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi), kaas oo beddalaya AUN taliye Suulnuug.Xasan Ciraaqi ayaa magacaabistiisa kadib booqasho ugu tegay ciidanka guutada 18-aad ee Gorgor, isaga oo kula dardaarmay inay laba jibaaraan howsha u hayaan qaranka.


Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay shaqada halkeeda kasii socon

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay shaqada halkeeda kasii socon doonto, ayna wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.Taliye ku xigeenka cusub ayaa waxaa hortaalla dhammeystirka shaqadii uu ka tegay Suulnuug oo marka la dilayay ku howlanaaa xoreynta deegaanada ay joogaan Shabaab.



Post a Comment

0 Comments