Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan hal milyan oo dollarka Mareykanka ah ugu deeqday dadka

china

 Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan hal milyan oo dollarka Mareykanka ah ugu deeqday dadka


Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan hal milyan oo dollarka Mareykanka ah ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay El Niño ee Soomaaliya.
Deeqdan muhiimka ah oo uu Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud


Macallin Cabdullaahi uu ka guddoomay Safiirka Shiinaha 


Macallin Cabdullaahi uu ka guddoomay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Fei Xingchao, ayaa waxaa loogu talagalay in wax looga qabto dadka dhibaateysan ee ay la ildaran yihiin dhibaatooyinka ka dhasha cimilada.


Deeqdan loogu talagalay taageerada saadka 



Deeqdan loogu talagalay taageerada saadka ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in lagu daabulo raashin mucaawino ah oo Shiinuhu uu dhawaan siin doono meelaha fogfog ee ay adagtahay in la gaaro gudaha Soomaaliya.
Kaalmadan muhiimka ah waxay xaqiijin doontaa in si siman loogu qaybiyo sahayda nafaha lagu badbaadiyo bulshooyinka ay soo food saartay cunto yari, nafaqo darro iyo barokac ay sabab u tahay abaarta daba dheeraatay.



Post a Comment

0 Comments