Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharci cusub.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharci cusub.
Sharcigan uu maanta qalinka ku duugay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sharciga qaxootiga iyo magangalyo-doonka, sida ay
goordhoweyd shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya
goordhoweyd shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Sharcigan ayey wasaaradda ku tilmaamtay mid muhiim ah, oo ka hadlaya xuquuqda qaxootiga iyo magangalyo-doonka iyo waajibaadka hey’adaha kala duwan ka saaran ilaalintooda.
Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka
Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka ee maanta uu saxiixay madaxweynaha ayaa waxay Golaha Shacabka ansixiyeen 13-kii, September ee sanadkii dhamaaday 2023-kii, halka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay meel-mariyeen sharcigan 16-kii, January ee 2024-ka.
0 Comments