Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii

golaha wasiirada

 Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii

Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah.
Ugu horeyn shirka  Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib

dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga 

 dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya oo la horgeeyay golaha.
Inta uu shirka socday  Golaha ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka maanta lagu meel mariyay

Sidoo kale waxaa shirka maanta lagu meel mariyay hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.
Intaas kadib ayaa warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo difaaca dalka laga dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Post a Comment

0 Comments