Xildhibaano ku bahoobay kutlada ‘toosin qaran’ oo saluug badan ka qaba qorshaha madaxda
Xildhibaano ku bahoobay kutlada ‘toosin qaran’ oo saluug badan ka qaba qorshaha madaxda dowladda federaalka ee wax ka bedelka dastuurka ayaa la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Kulan isugu jiray Afur iyo wadatashi ayaa xalay waxaa uu xarunta madaxtooyada
Kulan isugu jiray Afur iyo wadatashi ayaa xalay waxaa uu xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku dhaxmaray Madaxweynaha, guddoomiyaha iyo xildhibaanada ku mideysan kutlada toosin qaran.
Xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhameystirka
Xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhameystirka Dastuurka oo doodiisu ka socoto kulamada baarlamaanka ayaa lagu gorfeeyey kulankaas, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayuu Madaxweynuhu xildhibaanada (Kudladda Toosin Qaran) kaga dhageystay aragtidooda ku aaddan arrimaha Dastuurka oo dood ay ka qabeen.
0 Comments