Wafdi culus oo ka socda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika

bare

 Wafdi culus oo ka socda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika


Wafdi culus oo ka socda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.Wafdigan oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka urur-goboleedka EAC ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnahan uga mahad-celiyey dowladaha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnahan uga mahad-celiyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in deg-deg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la fal-galka Soomaaliya ee suuqa Bariga Afrika.


“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC 


“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Post a Comment

0 Comments