Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed

madax

 Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed 


Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia.Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho

Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.Mudane Xoosh ayaa kullamada gaar-gaarka ah ee uu maanta la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada isugu jiray is-xogwareysiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Post a Comment

0 Comments