Go’aamo ka soo baxay shirkii 1aad ee Golaha Wasiirrada

    

Golaha wasiiradda

Shirkii ugu horreeyey oo ay yeelato Xukuumada cusub oo uu shir guddoominayay Raysul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayay xalay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda.


Shirkaan oo lagu sheegay mid aan caadi ahayd oo deg deg ah ayaa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo ay ka mid yihiin dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo magacaabidda Guddiyo Qaran oo ka shaqaynaya gurmadka abaaraha.


Guddiyo Qaran ee la magacaabay ayaa ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka, waxaana la siiyay awaamiir ah in ay u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu saameeyaan.


Xukuumadduu waxa ay waajibaadka guddiga ku sheegtay xiriirinta iyo isu-duwidda dhammaan howlaha gurmadka ee Abaarta, halka loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada ku hawlan arrimahan degdegga ah.


Arrinkaan ayaa ku soo aaday xilli maalmihii danbe uu is qabqabsi la xariira cidda leh hoggaanka Gurmadka abaaraha uu ka dhex jiray xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Post a Comment

0 Comments