Gen Cabdalla oo dib u helaya darajadiisii ciidan

    

Gen Abdalla

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo dhawaan la wareegay xilka Wasaaraddaas ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh dib ugu soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed (Joon).


Xog cusub oo uu bixiyey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu ku shaaciyey in uu socdo qorshe dib darajooyinkiisii ciidanimo loogu celinayo Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ahaa agaasime ku xigeenkii hore ee Hay’ada Nabad Sugidda.


Fiqi ayaa xusay in dhowaan uu rajeynayo in madaxweynaha uu qaado tallaabadaan, si markaas uu xuquuqdiisa u helo Cabdalla Cabdalla oo haatan dalka dib ugu soo laabtay.


“Jeneraal kale ayaa jiray oo Cabdalla Cabdalla la yiraahdo oo aan isagana rajeyneyno in darajooyinkiisa dib loogu celiyo,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.


Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa arrintaan ku macneeyey in ay tahay cadaaladdii oo si tartiib-tartiib ah u soo laabaneyso, sida uu hadalka u dhigay.


“Waa caddaaladda oo dib ugu soo laabaneysa si tartiib-tartiib ah si loo helo caddaaladdii luntay oo dhan”. ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.


Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa isna ay horey isku qabteen Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ayada oo markii dambane laga saaray xubinimadii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), wuxuuna kadib noqday nin dibad joog ah oo si aad ah u dhaliili jiray dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).


Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed M. Fiqi, wuxuu shaaca ka qaaday in ay wadaan qorsheyaal lagu burburinayo Maxkamadaha Al-shabaab ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo gobollada dariska la ah sida; midda ku taala degaanka Basra oo ku dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo ay garsoor u raadsadaan dad badan.

Post a Comment

0 Comments