Ninka lagu eedeeyay in uu toddobaadkii hore isku dayay in uu dilo qoraaga lagu magacaabo Salman Rushdie ayaa sheegay inuu akhriyay keliya labo bog oo ka tirsan buugga muranka badan dhaliyay ee ‘Aayadaha Sheydaanka’.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Hadi Matar oo 24 jir ah ayaa iska diiday dacwadaha lagu soo oogay ee la xiriira weerarka uu ku qaaday qoraaga, xilli uu ku sugnaa bandhig lagu qabanayay magaalada New York.
Wareysi uu Hadi siiyay New York Post isagoo ku jira xabsiga ayuu ku yiri, “Salmaan wuxuu ahaa qof weeraray Islaamka.” Hase yeeshee, ma xaqiijin in tallaabada uu qaaday ay dhiirrigelisay fatwo ay soo saartay Iiraan siddeetameeyadii. Matar waxaa lagu hayaa xabsiga Chautauqua County ee gobolka New York.
Salmaan ayaa sanadkii 1988-kii daabacay buuggiisa muranka dhaliyay ee “Aayadaha Sheydaanka”, arrintaas oo ka careysiisay Muslimiinta, kuwaas oo u arkayay in qoraalkiisa uu yahay mid aflagaaddo ah.
Soo bandhigidda buuggaas ayaa sababay in sanadkii 1989 uu hoggaamiyihii Iiraan Ayatullah Ruhollah Khumeyni soo saaro fatwo ama amar ku saabsan in la dilo qoraaga.
Matar ayaa u sheegay wargeyska New York Post in uu akhriyay oo kaliya "labo bog" oo ka tirsan buugga mana uusan sheegin in fatwadaas ay dhiirigelisay iyo in kale.
"Waan ixtiraamayaa Aayatullah, waxaan u maleynayaa inuu yahay qof qiimo badan, intaas un baan ka sheegayaa arrintaas," ayuu yiri.
Matar ayaa sidoo kale wargeyska u sheegay in uu aad ula yaabay markii uu maqlay in Salmaan uu ka badbaaday weerarka.
“Qof aan jecelahay ma aha. Uma maleynayo inuu yahay qof fiican,” ayuu yiri Matar, sida laga soo xigtay wargeyska. “Waa qof weeraray Islaamka, wuxuu weeraray waxyaabaha ay aaminsan yihiin iyo nidaamkooda.”
Horraantii toddobaadkan, Matar hooyadiis ayaa sheegtay inay deyrisay wiilkeeda, kaddib falkii lagu eedeeyay inuu ku kacay. “Way noo kala dhamaatay,” ayay tiri Silvana Fardos oo hadashay Isniintii, iyadoo intaas ku dartay: “Wax aan kala hadlo ma jiraan.”
Salmaan wuxuu dhaawac daran ka gaaray beerka iyo neerfaha gacanta, il ayaa sidoo kale wax uga noqotay weerarka, laakiin neefsiiye ku xirnaa ayaa laga furay Sabtidii.
Suugaanyahanno ayaa Jimcaha isugu imaan doona maktabadda dadweynaha ee New York si ay u akhriyaan qoraalladii qoraaga oo ay u muujiyaan is-garab-taag.
0 Comments