Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa guddoomiyey shirka amniga dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga deegaanka, maareynta isbeddelladii amni iyo maamul ee dhawaan ka dhacay Koonfur Galbeed iyo xaqiijinta hannaan caddaaladeed oo loo siman yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirka warbixinno faah-faahsan uga dhageystay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka.
Saraakiisha ayaa madaxweynaha la wadaagay
Saraakiisha ayaa madaxweynaha la wadaagay qorsheyaasha lagu sugayo amniga deegaanka, dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka kooxda Al-Shabaab iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey mas’uuliyiinta iyo saraakiisha hay’adaha amniga muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo ilaalinta amniga, xakamaynta ciidamada hubeysan ee aan shaqada ka haynin gudaha magaaalada iyo xoojinta kalsoonida shacabka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in bulshada lagu kasbado kalsooni iyo in la xoojiyo taageerada ay u hayaan hay’adaha dowliga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta Kulanka caawa ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wasiiru-dowlaha madaxtooyada JFS iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

0 Comments