NISA oo fulisay laba howlgal oo lagu laayay horjoogayaal Shabaab ah

 






Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda NISA

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu faah-faahiyay laba howlgal oo saacadihii u dambeeyay laga fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan lagu dilay illaa 9 dhagarqabe, sidoo kalena lagu burburiyay matooro waaweyn oo ay kooxda u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.


Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa” ayaa lagu yiri qoraalka.


Hay’adda ayaa sheegtay in howlgalka koowaad 

Hay’adda ayaa sheegtay in howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow lagu beegsaday koox Khawaarij ah lagu dilay ugu yaraan lix xubnood, iyada oo shaacisay magacyada laba horjooge oo lagu dilay goobta Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar Nuur oo masuul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa Makaanigii ugu weynaa argagixisada ee farsameynta baabuurta qaraxyada ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.


Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah, halkaas oo iyana lagu dilay seddex dhagarqabe, iyadoo la kala firdhiyay maleeshiyaadkii halkaas ku dhuumaaleysanayay, taas oo wiiqday abaabulkii kooxda.


Howlgalladan qorsheysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo xarumaha iyo abaabulka Maleeshiyaadka ee Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo isku dayada argagixiso ayaa lasii raaciyay Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sare u qaaday beegsiga ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyaga oo laba jibaaray howlgallada culus ee ay ka wadaan gobollada Shabeelooyinka.


Post a Comment

0 Comments