Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa goordhow gudaha u galay
Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa goordhow gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib dagaal culus oo ay halkaas kula galeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ciidanka dowladda ay beegsadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd magaalada, waxaana kadib qarxay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo looga adkaaday Khawaarijta.
Saraakiisha ciidanka dowladda ee hoggaaminayso dagaalka
Saraakiisha ciidanka dowladda ee hoggaaminayso dagaalka ayaa sheegay in beegsadeen xarumo muhiim ah, isla markaana maleeshiyaad badan ay ku dileen dagaalka, inkastoo aysan shaacin tirada rasmiga ah Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dareen in haatan ay wadaan howlgal amni xaqiijin ah, si looga hortago falal ammaan darri oo ka dhaca deegaanka la xoreeyay.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa deegaannada uu dhow Degmada Balcad lagu daabulayay ciidamo badan oo ka qayb qaadanaya howlgallada la doonayo in aaggaas looga xoreeyo argagixisada Xawaadley waxay sanadihii la soo dhaafay martigelisay dagaallo culus oo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan, taasoo muujineysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee deegaankaas ay u leedahay labada dhinac.
Horay waxaa ugu sugnaa ciidanka dowladda iyo kuwa Burundi
Horay waxaa ugu sugnaa ciidanka dowladda iyo kuwa Burundi, kuwaas oo kasoo baxay degmada, kadibna ay sidaas ku qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaabka oo muddo dheer joogay balse ugu dambeyn laga saaray halkaasi Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinka dambe howlallo culus ka waday labada Shabelle oo daris la ah caasimada, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaanno muhiim ah oo ay qaraxyo uga soo abaabuli jireen Al-Shabaab.
.webp)
0 Comments