Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay…

 







Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka Iiraan ku qaaday dalka AzerbaijanWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Azerbaijan, Jeyhun Bayramov ayaa la wadaagay sida Soomaaliya uga xun tahay weerarkan.


Wasiirka ayaa wada-hadalka ku muujiyay garab-istaagga Soomaaliya ee ku aaddan weerarkii dhawaan lagu qaaday Azerbaijan, isagoo sidoo kale adkeeyay taageerada Soomaaliya ee nabadda, madaxbannaanida dalalka, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah Sidoo kale wuxuu weerarkaasi ku tilmaamay mid lagu dhaawacayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Azerbaijan, isla markaana khatar ku ah xasiloonida gobolka.


Intii uu socday wada-hadalkooda

Intii uu socday wada-hadalkooda, labada wasiir waxay si qoto dheer uga falanqeeyeen xiisadda militari ee Bariga Dhexe iyo khataraha ka dhalan kara falalka noocaas ah Soomaaliya ayaa caddeysay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo wiiqaysa nabadda iyo ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qiray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo ka hortagga in xiisad cusub ay ka dhalato amniga gobolka iyo kan caalamka.


Wada-hadalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyadoo lagu heshiiyay in la sii xoojiyo wadashaqeynta dhinacyada siyaasadda, hay’adaha caalamiga ah iyo arrimo kale oo dan u ah labada dal Dhanka kale, waxaa si gaar ah loo xusay kaalinta Soomaaliya ay ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo ah xubin aan joogto ahayn, taas oo u sahleysa inay si firfircoon uga hadasho arrimaha la xiriira amniga iyo xasilloonida gobolka.


Si kastaba, weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday

Si kastaba, weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday gobolka Nakhchivan ee Azerbaijan ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan afar qof oo rayid ah, isla markaana waxyeello gaarsiiyay kaabeyaasha rayidka sida garoonka diyaaradaha ee Nakhchivan iyo meel u dhow dugsi ku yaalla tuulada Shakarabad Sidoo kale wararka ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu soo riday halka kuwa kale ay ku dhaceen goobaha rayidka, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda gobolka ay sii ballaarato Dowladda Azerbaijan ayaa dhacdadan ku tilmaantay weerar halis ah oo ku wajahan dalkeeda, inkastoo Iran ay beenisay inay ku lug lahayd.


Post a Comment

0 Comments