DF oo diyaarado hub sida ka dejisay Dhuusamareeb

 






Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saanad ciidan ka dejisay magaalada Dhuusamareeb, sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah, iyadoo hubkaas la sheegay in loogu talagalay ciidamo cusub oo dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey duleedka magaalada.


Ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamadan ay gaarayaan ku dhowaad 1,000 askari, kuwaas oo loo diyaarinayo inay xoojiyaan amniga iyo howl-gallada ka socda deegaannada Galmudug. Dhaqdhaqaaqan cusub wuxuu kusoo beegmayaa xilli Muqdisho ay dardar gelinayso qorsheyaal amni iyo kuwo siyaasadeed oo si isku mar ah uga socda maamulkaas Labada qorshe ee dowladda ayaa ah; in ciidamadan ay xoojiyaan amniga doorashooyinka qof iyo cod, iyo in la ballaariyo dagaalka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo laga saaro meelaha yar ee ay uga harsan yihiin deegaanada Galmaudug.


Guddiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya

Guddiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya ayaa Galmudug waxa ay ka wadaan diyaargarow la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ah ee la doonayo in laga hirgeliyo qaybo ka mid ah dalka Galmudug waxay hore u billowday ololaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyadoo madaxda maamulkaasi ay si rasmi ah u daah-fureen qorshahaas, halka dowladda federaalkuna ay si sii kordheysa u muujinayso inay rabto in doorashada 2026 loo raro hannaan toos ah.


Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, la filayo inuu gaaro Muqdisho saacadaha soo socda ama berri, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah Qoor Qoor ayaa hore loogu tirinayey madaxda aan si buuxda ugu qanacsanayn sida Villa Somalia u riixayso qorshaha doorashooyinka isku sidkan, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn mowqifka uu hadda ka qaadan doono isbeddellada socda.


Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in awooddii siyaasadeed iyo tan amni 

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in awooddii siyaasadeed iyo tan amni ee ka hor istaagi kartay hirgelinta qorshaha dowladda federaalka ee Galmudug ay sii yaraanayso, taas oo muujinaysa in maamulkaasi uu galay marxalad kala guur ah oo ay is barbar socdaan dib-u-habeyn ciidan, cadaadis siyaasadeed iyo loollan ku saabsan qaabka doorashada.


Dhinaca kale, Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey sii yeelanaysay miisaan amni iyo mid siyaasadeed oo aad u weyn. Garoonka Ugaas Nuur iyo xarumaha kale ee muhiimka ah waxaa muddo ilaalinayey ciidamada Jabuuti ee howlgalka Midowga Afrika, halka howlgalka ATMIS si rasmi ah loogu beddelay AUSSOM bilowgii 2025, taas oo sii adkaysay kaalinta ay magaaladaasi ku leedahay qorshaha amniga ee bartamaha dalka.


Sidoo kale, Dhuusamareeb waxaa ka howlgala taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana meel ay dowladda federaalku marar badan u adeegsato isku dubbaridka howl-gallada militari iyo dhaqdhaqaaqyada la xiriira dib-u-dhiska ciidamada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u booqday xarumaha militariga iyo garoonka magaalada, isagoo muujiyey muhiimadda istiraatiijiga ah ee ay u leedahay qorshaha dowladda ee amniga gudaha.


Saanadda maanta la geeyey Dhuusamareeb waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Soomaaliya ay haysato awood sharciyeed oo ka ballaaran tii hore ee dhinaca hubka, kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu bishii Diseembar 2023 qaaday cunaqabateyntii guud ee hubka ee saarnayd dowladda Soomaaliya, inkasta oo xayiraadaha la xiriira Al-Shabaab ay weli jiraan. Taas ayaa dowladda siisay fursad weyn oo ay ku xoojin karto qalabaynta ciidamadeeda rasmiga ah.



Post a Comment

0 Comments