Hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed
Hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay qorshihiisa, isagoo ballanqaaday in uusan jiri doonin beegsi gaar ah, uuna maamulka ka sameyn doono dib u heshiisiin dhab ah.
Jibriil oo warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in qorshihiisa koowaad uu yahay xasilinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo oo ah xarunta maamul-goboleedka, isagoo tilmaamay in amniga uu yahay saldhigga horumarka iyo dib u dhiska maamulka Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu la shaqeyn doono dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada iyo culimada, si loo helo maamul loo dhan yahay oo ka shaqeeya danta guud ee shacabka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha KMG ah ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta
Hoggaamiyaha KMG ah ayaa carrabka ku adkeeyay in mudnaanta la siin doono dib u heshiisiinta bulshada, si loo xaliyo khilaafaadka jira loona abuuro jawi deganaansho iyo wada shaqeyn leh Dib u heshiisiin dhab ah ayaan ka sameyn doonnaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, annagoo ilaalineyna amniga, mana jiri doonto cid si gaar ah loo beegsado, ayuu yiri hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji.
Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa faray shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed inay sii wadaan shaqadooda, isla markaana aysan hakad gelin bixinta adeegyada bulshada, maadaama isbeddelka hoggaanka uusan saameyn ku yeelan doonin howlaha socda Wuxuu sidoo kale ballan-qaaday in maamulka uu xoogga saari doono dardar-gelinta adeegyada aas-aasiga ah, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Jibriil Cabdirashiid oo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka
Jibriil Cabdirashiid oo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka ayaa xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, ladib isagoo beddelaya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka Si kastaba, magacaabista Jibriil ayaa waxaa si adag uga horyimid Golaha Mustaqbalka oo tallaabadan u arka jebin cad oo ka dhan ah Dastuurka Federaalka iyo kan maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ah weerar toos ah oo lagu qaaday tiirarka nidaamka federaalka ee Soomaaliya, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.
Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu si cad u dhigaya in haddii Madaxweynaha xilkiisa gudan waayo ama is casilo, in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtinimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Sidoo kale, Golaha ayaa ku baaqay in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho ka gedisa midda ay wado dowladda oo loo dhan yahay, oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana si buuxda ugu saleysan dastuurka maamul-goboleedka.

0 Comments