Ciyaaryahanka caan baxay isaga oo aan marna u safan xulkiisa oo BBC-da u warramay

 




Koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhamaadkii bishii hore si habsami leh uga furmay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay wada ciyaareen afar maamul goboleed iyo gobolka Banaadir. Waxaa xusid mudan in Koonfur Galbeed oo kamid ahayd maamul goboleedyadii qaybta ka ahaa ay dib dambe isaga hareen tartanka sababo dhowr ah awgood.


Intii ay ciyaaruhu socdeen waxaa muuqatay xiisaha iyo xamaasadda taageerayaasha, haddii ay ahaan lahayd kuwa garoonka buuxiyay iyo kuwa shaashahadaha kala socdaba. Waxaa jira ciyaartoy dhowr ah oo hadal heyn badan ka dhex dhaliyay bulshada haddii ay ahaan lahayd xirfado ay soo bandhigeen inta kulamadani ay socdeen iyo kuwo laga arkay baraha bulshada labadaba.


Waxaa kamid ah Bashiir Xuseen Maxamed oo loo garan ogyahay

Waxaa kamid ah Bashiir Xuseen Maxamed oo loo garan ogyahay ‘Isku aamow’. Waa ciyaaryahan aan marnaba kasoo muuqan kulamada la ciyaaray walibana aan garoonka soo gelin intii ay kulamadu socdeen, hase yeeshee aad loo hadal hayay.


Waxa uu ku dhashay magaalada Baydhabo, waxa uu haatan katirsan yahay kooxda Howlwadaag ee kadhisan isla magaalada Baydhabo, waxaana uu ka ciyaara qaybta difaaca. Muuqaallo gaagaaban oo uu kusoo bandhigo baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok ayaa ka dhigay qof ay bulshadu garanayaan.


Waxa uu caan ku yahay habka difaaca ee kubadaha weerarka ku ah gooshiisa, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay daafac ka dagaallama in ay kubaddu dhaafto. Isku aamow oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Aniga waxa aan taageeraa ciyaaryahanka daafaca ah ee Sergio Ramos, waa difaac bir ah oo adag, aniga sidaas si lamid ah waxaan ku dadaalaa in aan difaaco goosheenna.


Dadku waxa ay iga barteen baraha bulshada oo aan soo geliyo muuqaallo gaagaaban xilli aan ciyaarayo, waxa ay igu amaanaan habkeyga difaaca, waana sababta aan u yeeshay taageerayaal badan Isku aamow waxa uu sheegay in uu taageero kooxda Manchester United ee ka ciyaarta horyaalka Premier league-ga ee Ingiriiska.


Dhinaca kale waxa uu ka hadlay sababta keentay in kulamadii dhacay

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay sababta keentay in kulamadii dhacay uu kasoo muuqan waayo isaga oo ah ciyaaryahan si weyn loo sugyay bandhiggiisa. Aniga iyo 25-kale oo ciyaartoy ah ayuu macallinku na soo xushay, dabcan dookha safka hore iyo ciyaaryahannada ciyaaraha macallinka ayaa leh anigana booskeyga waxaa ciyaarayay labo ciyaaryahan oo kale, laakiin waan ku rajo weynaa in aan ciyaaro”, ayuu yiri Isku Aamow.


Dadka qaar ee daawaday goosgooskiisa ayaa tilmaamay in kooxda uu ku keeni karo qaladaad badan marka ay noqoto dhinaca daafaciisa, hase yeeshee waxa u ku adkeystay in sababta ciyaarsiin la’aantiisa ay ahayd dookh dhinaca macallinka ah.


Isku aamow waxa uu ku rajo weynaa in uu mar uun kasoo muuqdo kulamada ciyaaraha haatan socda balse maamulka Koonfur Galbeed ayaa gebi ahaanba isaga baxay, waxaana ciyaartoydii maamulkaas ee ku sugnaa Muqdisho dib loogu celiyay Baydhabo.


Isagoo ka hadlaya ayuu yiri, Anaga waan jeclaan lahaa in aan u ciyaarno si habsami leh, laakiin ciyaartoydeena waxaa laga galay qalad, waxaa la weeraray gaari aan saarneyn waliba markii labaad, 2020-gii ayey sidaas oo kale dhacday oo ciyaartoy nalaga dhaawacay. Waxa ay ahayd xadgudub weyn go’aanka bixitaankana waxaa noo qaaday maamulkii na hoggaaminayay anagana waan ku raacnay sababtoo ah waxay ahayd weerar toos ah,” ayuu sii raaciyay Isku aamow.


Sanadkii 2020-kii ayaa sidan si lamid ah waxaa la weeraray gaari ay saarnaayeen ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed iyadoo dhaawacyo la gaarsiiyay qaarkood, hase yeeshee xilligaasi majirin go’aan kan lamid ah oo ay kaga tageen dhamaan ciyaarahan. Isku aamow ayaa sheegay in uu rajeynayo in uu u ciyaaro xulka qaranka ee Soomaaliya, isaga oo ku rajo weyn in uu kasoo muuqdo kooxo waaweyn si uu u sii hormariyo xirfaddiisa kubadda cagta.


Waxa uu ahaa ciyaariyahan aad loo sugayay bandhigiisa ciyaareed, hase yeeshee waxa uu taageerayaasha u sheegay in ay kulamo kale isku arki doonaan, kadib go’aankii bixitaanka ee ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed. Banaadir oo ah gobolka marti gelinaya ciyaarahan, Galmudug, Hirshabelle iyo Jubaland ayaa haatan isugu soo haray.



Post a Comment

0 Comments