Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weli ciidamo ku daabuleyso
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weli ciidamo ku daabuleyso deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa maanta saraakiil sar sare u dirtay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay dhawaan si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Cabdixakiin Siciid Ceeldheer ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo si weyn halkaas loogu soo dhaweeyay, maadaama maalin kahor ay tageen ciidanka Haramcad.
Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in safarka taliyaha
Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in safarka taliyaha uu la xiriira dardargelinta howlaha amniga iyo xoojinta oawlgallada ka socda gobolka Sidoo kale, Taliye Cabdixakiin ayaa durbo kormeer ku tagay taliska cusub ee iidanka Haramcad ee Base-ka Baraawe, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen taliye ku-xigeenka Haramcad, Abanduulaha Ciidanka Haramcad, iyo Taliyaha Ururka 1aad ee Guutada Haramcad.
Intaas kadib Taliyaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka
Intaas kadib Taliyaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka, isagoo halkaas kula dardaarmay askarta, kuna adkeeyay xoojinta amniga feejignaanta joogtada ah, iyo dardargelinta howlaha sugidda nabadda magaalada Baraawe iyo deegaanada ku xeeran Ciidamadan ayaa dowladdu waxa ay Khamiistii diyaarado ku gaysay gudaha magaalada Baraawe, iyada oo kadib ciidankii Koonfur Gabeed ay ka baxeen magaalada, kuwaas oo qaarkood doonyo ku tegay magaalada Kismaayo.
Xiisadda u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, kuwaas oo keeni kara in mar kale dagaallo ka dhan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku dhawaaqday guddiga doorashada maamulkaasi, xilli lagu muransan yahay sida loo wajahayo doorashada.

0 Comments