Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta maamul cusub
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta maamul cusub u magacawday degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Warqadda magacaabista oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabistan xubnahan ay timid kaddib baahi loo arkay in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka degmada Waajid, si loo xoojiyo maamulka iyo hannaanka dowladnimada ee degmada.
Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah Xasan Cabdi Isaaq Bootoolo oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda, Aadan Cali Kulow oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada, iyo Ayaanle Cabdi Dhuux Yare oo loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Waajid.
Mas’uuliyiinta cusub ayaa la faray in ay si degdeg ah
Mas’uuliyiinta cusub ayaa la faray in ay si degdeg ah ula wareegaan xilalka loo igmaday, isla markaana ay xoogga saaraan adkeynta amniga iyo dardargelinta adeegyada bulshada ee degmadaasi Warqadda ayaa sidoo kale lagu faray mas’uuliyiinta cusub in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran maamulka degmada, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Waajid ayaa iyaguna lagu booriyay in ay la shaqeeyaan maamulka cusub, kana qeyb qaataan hirgelinta nabadda, xasilloonida iyo dib u dhiska adeegyada bulshada ee degmada Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli xaalad amni ay ka taagan thau degmada Waajid, kadib markii shalay halkaasi lagu rasaaseeyay diyaarad siday saraakiil iyo askar ka tirsan dowladda dhexe, taas oo sare usii qaaday xiisadda.
Sidoo kale waxaa arrintaasi xigay hanjabaad ka timid dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta in la beegsan doono diyaarado kasta oo isku dayda inay ciidamo greyso deegaanada maamulkaasi Si kastaba, xaaladda degmada Waajid ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo arrimahan imanayaa xilli saacadihii dambe ay soo baxayeen warar sheegay inay socdaan dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin labada dhinac ah oo xal loogu raadinayo xiisadda.
.webp)
0 Comments