DF Soomaaliya oo tallaabadii ugu horreysay ka qaaday Koonfur Galbeed

 






Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay oo ka dhan ah Koonfur Galbeed, kadib markii uu xoogeystay khilaafka culus ee ka dhex-qarxay labada dhinac Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda dhexe ayaa maanta joojisay diyaaradihii aadi jiray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo arrintaas ay saameysay mas’uuliyiin iyo shacab kusii jeeday Koonfur Galbeed Tan iyo saaka ma jirto wax duulimaad ah oo u baxay Baydhaba, sababo la xiriira go’aanka kasoo baxay Dowladda Federaalka oo hakiyay diyaaraha


Wararka ayaa sidoo kale intaas kusii daraya in kaliya Baydhaba

Wararka ayaa sidoo kale intaas kusii daraya in kaliya Baydhaba loo ogol yahay in ay tagaan diyaaradaha UN-ka iyo kuwa kaargowga, maadaama ay halkaas ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay abaaraha ka jira dalka Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu beegsanayo mas’uuliyiinta sare ee maamulka, si looga hor istaago inay u dhoofaan magaalada Baydhaba oo hadda laga dareemayo xiisad xooggan.


Go’aankan waxaa ka horreeyay mid kale oo iyana ay maanta

Go’aankan waxaa ka horreeyay mid kale oo iyana ay maanta ku dhawaaqday Koonfur Galbeed oo sheegtay in gebi ahaanba ay xiriirkii u jiray Dowladda Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu shaaciyay in uu si rasmi ah u joojiyay wada-shaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay rabshadaha ka dhacay deegaannada maamulkaas iyo xiisadda sii kordheysa Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidamo geysay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo la sheegay in loo adeegsanayo hurinta dagaallo ka dhan ah maamulkaasi.


Dowladda Federaalka waxay ciidamo ku soo abaabushay deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale wasiiro ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran ay ku lug leeyihiin arrintaan ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed, oo lagu xusay in xukuumadda federaalka ay wax ka jawaab ah ka bixin waysay xiriir ay la sameeyeen Si kastaba, ha’ahaatee xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo meelaha qaar ay ka dhacayaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.


Post a Comment

0 Comments