Xogta howlgallo culus oo ka dhacay labada Shabeelle

 






Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si gaar ah kumaandooska Gorgor iyo Danab ayaa maanta howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, si gaar ahaan tuulooyin dhaca dhanka deegaanka Xaaji Cali.


Howl-galkan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga iyo ka sifeynta kooxda, iyagoo baaritaanno iyo hubin ku sameeyay deegaannada howl-galka laga sameeyay si looga hortago in Shabaabku ay dhibaateeyaan shacabka ku nool deegaannada howlgalka laga sameeyay Sidoo kale, howl-galkan waxaa lagu aasaasay saldhigyo ciidanka ay ka sameeyeen meelaha istiraatiijiga ah si loo xoojiyo joogitaanka amni.


Howl-galkan waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Cabdiwali Januune

Howl-galkan waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Cabdiwali Januune, Taliyaha Ururka 184-aad ee Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, iyo Dhamme Maxamed Cabdulqadir Diiriy Taliyaha Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab Sidoo kale, Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa isla maanta hawlgal ka fuliyay tuulooyinka Buulo Naageey iyo Busley Daa’uud oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.


Hawl-galkaas ayaa lagu dilay 9 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,

Hawl-galkaas ayaa lagu dilay 9 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wadaya dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, waxaana ka go’an difaaca shacabka iyo xoreynta guud ahaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisadu.



Post a Comment

0 Comments