Imaaraadka Carabta oo billaabay in uu ka baxo Boosaaso

 





Imaaraadka Carabta ayaa billaabay inay shaqaalahooda milateri iyo qalabkoodaba 

Imaaraadka Carabta ayaa billaabay inay shaqaalahooda milateri iyo qalabkoodaba kala baxaan saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Boosaaso, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, tallaabadaas oo ka dhalatay xiriirka xumaaday ee kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya Goobjoogayaal iyo xogta lagula socdo duulimaadyada ayaa muujinaya saxmad dhanka hawada ah oo ka jirta magaalada dekedda leh ee Boosaaso, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay diyaarado xamuul oo waaweyn ka daad-gureynayeen agab milateri.


Bixitaankan ciidan ayaa yimid kadib markii Soomaaliya ay laashay heshiis Imaaraadka u ogolaanayay isticmaalka xaruntaas, iyadoo ay jiraan eedeymo sheegaya in Abu Dhabi ay dhulka Soomaaliya u isticmaashay fududeynta safarka hogaamiye gooni-u-goosad ah oo u dhashay Yemen, kaas oo dowladda Sacuudigu ay raadinaysay Sida ay muujineyso xog ay eegeen kormeerayaashu, celcelis ahaan lix diyaaradood oo nooca xamuulka ah ee IL-76 ayaa maalin walba soo cago-dhiganayay kana duulayay garoonka Boosaaso—arrintaas oo goobjoogayaashu ku tilmaameen mid u eg “daad-gureyn degdeg ah


Si ka duwan hawlgalladii hore diyaaradahani waxay imaanayeen maalmo xiriir ah

Si ka duwan hawlgalladii hore diyaaradahani waxay imaanayeen maalmo xiriir ah, iyagoo xambaarsan qalab culus oo milateri, waxayna baxayeen dib-u-dhac la’aan  ayuu yiri ilo-wareed ku sugan garoonka Boosaaso oo codsaday inaan magaciisa la xusin Puntland oo diiday go’aanka DF Bixitaanka Imaaraadka Carabta ayaa imanaya xilli Puntland ay si adag u diidday go’aanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay dowladdu la gashay Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid ka hor imaanaysa dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo nidaamka federaalka.


War-saxaafadeed ay Puntland ka soo saartay Boosaaso 12 Janaayo 2026 ayay ku sheegtay in qodobka 142-aad ee dastuurka ku-meel-gaarka ah (2012) uu dhigayo mas’uuliyad wadaag ah oo ku saabsan amniga, ilaalinta xuduudaha iyo habraacyada heshiisyada amniga, taas oo — sida ay sheegtay  ka dhigaysa in go’aan keli-talis ah oo federaalku qaato uusan sharciyad buuxda yeelan Puntland ayaa sidoo kale ku tilmaantay “waxba kama jiraan go’aanka ay sheegtay in uu ka soo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka ee lagu buriyay heshiisyada mashruuca horumarinta Dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka.


Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka in muddooyinkii dambe ay “si joogto ah ugu shaqeyneysay” kala-geyn iyo colaad abuur, iyadoo ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u leexday “qar iska tuur” siyaasadeed oo dalka gelinaya khilaaf siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan Puntland waxay xustay in tan iyo 2023 ay si isdaba joog ah u diidday go’aanno ay ku tilmaantay ku-tumasho dastuur,” kana dhashay isbeddello ay sheegtay in Villa Somalia ku wado hannaanka dowlad-dhiska iyo heshiisyada u dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedyada.


Xiisadda diblomaasiyadeed

Xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa ahaa mid cakiran, sababo la xiriira xiriirka dhow ee Imaaraadku la leeyahay maamullada gooni-u-goosadka ah iyo kuwa federaalka ka tirsan sida Somaliland iyo Puntland, xiriirkaas oo inta badan baal-mara dowladda dhexe Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa warfidiyeenka u sheegay in Muqdisho ay hakisay iskaashigii milateri kadib markii Imaaraadku la sheegay inay fududeeyeen socdaalka Caydaruus Al-Zubeydi, oo ah madaxa Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC) oo ay taageerto Imaaraadku.


Zubeydi ayaa la sheegay inuu isbuucii hore sii maray Soomaaliya isagoo ku sii jeeda Abu Dhabi, si uu uga dhuunto safar qorsheysnaa oo uu ku tagi lahaa Riyadh wada-hadallo ku saabsan colaadda Yemen Markii ay si qarsoodi ah u fududeeyeen in ninka reer Yemen ee Zubeydi uu sii maro Soomaaliya, dowladdu waxay billowday baaritaan waxayna si rasmi ah u gudbisay walaaceeda,” ayuu yiri sarkaalku. Kadib waxaa lagu wargeliyay in dhammaan hawlgalladoodii milateri ee Soomaaliy la hakiyay Wararka ayaa intaas ku daraya in hantida iyo qalabka Imaaraadka loo rarayo dalka deriska ah ee Itoobiya.


Post a Comment

0 Comments