Dawlada aynu walaalaha nahay ee imaaraadka carabta ayaa dhawaan gargaar bani-aadannimo gaadh siisay dadka dhibaataysan ee dalkeena somaliya.
Guddiga Abaaraha ee Wasaaradda Gargaarka ayaa deeqdaas ka guddoomay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliya, Maxamed Axmed Al-Othman.
Imaaraadka Carabta ayaa deeqdaas ugu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Somaliya, sidii caadada u ahaydna waa dalka kaliya ee ilaa hadda garab taagan shacabka somaliyed kuwooda dhibaataysan.
Hadaba waxa la xaqiijiyay inuu Ra’iisul Wasare Rooble macaawinadaas ku iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka.
Waana arin laga xumaado in xukuumada rooble ku kacdo falal sidaasoo kale ah oo ay xaraashto mar walba mucaawinada uu dalka imaaraadku ku deeqo dadka ay abaaruhu sameeyeen ee Somaliyeed.
Ugu danbayn Runtii wax loo dhigaa ma jiro dadaalka iyo tageerada uu marwalba dalka imaaraadku la garab taagan yahay umada somaliyeed kuwooda dhibaataysan, waanan uga mahad celinaynaa.
0 Comments