Barbaarinta carruurnimo qofka kaalin wayn bay ku yeelataa dabcigiisa iyo dhaqankiisa kolka uu waynaado. Khibradaha kala duwan ee dhallaannimo waxa ay saameeyaan hab-fikirkiisa, dhaqankiisa, dabeecaddiisa iyo weliba sida uu dunida u arko.
Waxa jira khibrado qofka ku sababa in uu noqdo mid macangag ah. Tusaale ahaan, qof yaraantiisii aad loo dhibaatayn jiray ama soo maray korniin tacaddi wata waxa suurogal ah in isaguna tacaddiyo maskaxeed ama jidheed gaysto marka uu waynaado.
Xaaladaha kala duwan ee qofku ku koro waxa ay saamayn taban iyo toganba ku yeeshaan noloshiisa: agoonnimada, rajannimada, madinnimada, ayeeyo-korisnimada, iskoriska iwm. Haddii aad qofka dabeecaddiisa u fiirsato si fudud baad u garan kartaa hannaanka uu u soo koray. Xaaladahani waxa ay saameeyaan maskaxdiisa iyo tabta uu u fikirayo.
Xaaladahaa ta ugu qallafsan ee uu ilme ku barbaari karaa waa ta hooyo la'aanta ah (rajannimada). Waxa ay sababtaa in qofkaas noloshiisa ay ka maqnaato kaalin wayn oo maskaxdiisa koboceeda qayb laxaad leh ku yeelan lahayd, gaar ahaan qaybta naxariista iyo dad la dhaqanka wanaagsan.
Madinnimada ayaa iyaduna ka mid ah xaaladaha qallafsan ee uu qofku ku kori karo. In kasta oo aanay dad badan aaminsanayn in ay leedahay saamayn taban oo qofka keli ahi kaba nasiib badan yahay kuwa kale, waxa se xaqiiqo ah in si la mid ah ubadka kale ee kaalmaha waalidku ka maqan yahay isna ka maqan tahay kaalinta walaalnimadu.
Walaalnimadu waxa ay kaalin wayn ka qaadataa korniinka qofka. In ilmuhu helo qof la mid ah si uu u fahmo dabeecado badan oo carruureed waa muhiim. Haddii uu cid la mid ah guriga ka dhex waayo waxa adkaanaysa in uu fahmo doorkiisa iyo waxa ay tahay in uu qabto.
Maadaama uu guriga keligii joogo, dadka kale ee guriga la joogaana ay yihiin dad waawayn, ilmaha keliga ahi waxa uu is waydiiyaa had iyo jeer su'aalo badan. Waayo ilmuhu marka uu yar yahay ee uu arko ilmo kale ayuu gartaa cidda uu yahay iyo kaalintiisa.
Laakiin haddii uu cidba waayo, maskaxdiisa su'aalo badan baa ku furma waana ta keenta in carruuraha madiyada ahi ay noqdaan marar badan dad aamusan oo aan hadal, ama goonisocod ah, oo ay adag tahay in ay dadka la dhaqmaan oo soo soo dhex galaan.
0 Comments