Shirkada DP World ayaa raashin ugu deeqday dad danyar ah oo kamida umada somaliyeed, caawimaad oo ay ugu talo galeen bisha Ramadan.
Hay`ada Tadaamun Ayaa 1000 Qoys Oo Dadka Danyarta Ah Ee Magaalada Bosaso Gaarsiisay Raashin Taas Oo Shirkada DP World Ugu Talo Gashay Afurinta Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba.
Sidoo kale dalka imaaraadku wuxuu caawimaad gaadhsiiyay goobo badan oo kamida gudaha somaliya tan ilaayo bilawgii burburka, waana dalka kaliya ee garab taagnaa shacabka somaliyeed xiligay dhibaataysanaayeen ilaa hadda.
Waxaanu marwalba dalka imaaraadku la garab taagan yahay umada somaliyeed kuwooda dhibaataysan taakulayn joogto ah mana jiro dal inoo garab taagan sida walaaleheen imaaraadka carabta.
Ugu danbayn waxaan uga mahad celineynaa dowladda walaalaha ee Imaaraadka Carabta tageerada iyo taakulaynta joogtada ah ee ay marwalba la garab taaganyihiin shacabka somaliyeed waxanu leenahay ajar iyo xasanaad illahay ha idinka siiyo.
0 Comments