Cobhams Asuquo ayaa kamid ah hobalada ugu caansan fanka Nigeria. Hase yeeshee waxa uu fankaas ku billaabay qaab hoose, isagoo markii hore necbaa codkiisa, Marka uu ka sheekaynayo sida uu uga nixi jiray codkiisa, waxaad moodaysaa inuu ka hadlayo qof kale. Waa sababta uu muddoo 13 sano ah u ahaa soo saare heesaha ah, isagoo la shaqeeyay qaar kamid ah xidigaha ugu caansan fanka Afrika.
Asuquo oo 41 jir ah, ayaa qaaday heeso hirgalay oo ay kamid yihiin We Plenti, One Hit iyo Ordinary People, Muyiwa Oyinlola oo kamid ah asxaabta Asuquo ayaa sheegay in marka kasta uu u sheegi jiray in codkiisu yahay mid aan ku wanaagsaneyn heesaha, taasina ay dhalisay inuu iska raadiyo codka dadka kale.
Markii ay dhigan jireen iskuulka King's College ee Lagos, Oyinlola ayaa xusuusta in Asuquo, oo araga naafo ka ah uu duubi jiray codka macallimiinta marka ay casharrada bixinayaan. Kama ahayn inuu ku ceshado oo keliya ee sidoo kale waxa uu iska raadin jiray codka macallimiintaas.
Cobhams Asuquo ayaa sheegay in markii uu go'aansaday ku luuqeynta heesaha uu dareemay inuu samayn karo waxyaabo aanay awoodin dadka kale, Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marka uu fagaarayaasha ka heesayo uu inta hore dareemo cabsi, balse uu taa ku maareeyo duco iyo is adkeyn.
Inkastoo hadda uu yahay nin caan ah, haddana Asuquo ayaa dhibaato badan ka soo maray fanka Nigeria, Waxa u uku dhashay arag la'aan, taasoo keentay in markii uu billaabay fanka lagula kaco faquuq. Waxa uu xusuusta mar uu fanaan diiday inuu soo saaro heesaha uu qaadayay.
"Waa fanaan weli maanta caan ka ah Nigeria. Waxaan lahayn ballan ah in aan u soo saaro heestiisa, asna uu la yimaado kooxdiisa," ayuu sheegay Asuquo oo intaa raaciyay in fanaankaas uusan soo xaadirin, "Muddo sideed saac ah ayaa ku sugayay istuudiyaha" ayuu sheegay Asuquo.
Waxa uu markii dambe ogaaday in fanaankaas uu diidanaa inuu la shaqeeyo soo saare araga naafo ka ah, Ka hor inta uusan ku biirin fanka, Asuquo ayaa waxa uu la kulmay niyad jab kale, kadib markii uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad Maraykan ah, balse ay u suurageli wayday isagoo rumaysan in "aakhiru saaca lagala laabtay."
Saaxiibkii Oyinlola ayaa rumaysan in jaamacada ay ka walaacday in "ruux araga naafo ka ah oo ka yimid dal soo koraya" aanu la qabsan karin waxbarashadadeeda, balse Asuquo ma uu san u joojin oo waxa uu billaabay fanka, Asuquo ayaa ku doodaya in qaabka wanaagsan uu u fekero uu qeyb ahaan ka yimid sida uu u soo barbaaray.
"Waxaan maanta ku gaaray halka aan joogo jaceylka ay ii muujiyeen qoyskeyga," ayuu yiri Asuquo, Asuquo oo aan waxbarasho billaaban ilaa uu ka gaaray da'da 10 jirka, ayaa sheegay in qoyskiisa ay u sameeyeen wax kasta oo karaankooda ah, isla markaana ay dareensiiyeen inuu yahay canug caadi ah.
Waalidiintiis ayaa ku abaabiyay in "arag la'aanta" ay tahay tilmaan uun, sida dadka ay u tilmaamaan "qofka madow", "kan dheer" ama "kan gaaban", Qaab dhegaysi ah ayuu ku bartay sida loo ciyaaro qalabka piano, waxaana ku caawiyay saaxiibkii oo uga soo qaaday gabar la dhalatay.
Asuquo ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee hay'adda Unicef ay u magacowdo muddo 15 sano ah, waxaana taa ka saaciday xusuusta wanaagsan ee uu u leeyahay carruurnimadiisii.
Waxa uu rumaysan yahay in dhibaatada ka taagan xuquuqda carruurta, gaar ahaan kuwa ay lixaadkoodu kala dhiman yihiin ay tahay mid si guud uga dhalatay hogaan xumada ka jirta dalkiisa.
"Waxaa meesha ka baxay hogaanka mas'uuliyadda qaadi kara isla markaana daacadda ah, "Waxa ay la tahay in noolasha uu soo maray ay ka caawin karto dedaalka uu ugu jiro wanaajinta carruurta Nigeria.
0 Comments