Atoorihii ugu quruxda badnaa taariikhda filimada Hindiya.

Shashi Kapoor

Waxaa la sheegaa in Shashi Kapoor uu ahaa atoorihii ugu quruxda badnaa ee taariikhda filimada Hindiya soo maray xilligiisa, Atariishada caanka ah ee howl gabka noqotay, Sharmila Tagore, ayaa wali xasuusata mar uu Shashi Kapoor u imaan jiray si uu ula kulmo walaalkeed Shammi Kapoor, xilli la jilayay filimka 'Kashmir Ki Kali'.

Waxay tidhi: "Waxaan ahaa 18 jir. Anigoo isla hadlaya ayaan dhahay, 'Alla rabiyoow, waa kan Shashi Kapoor.' Waan yaabay markii aan arkay. Shaqadii jilitaanka waan qaban waayay, ilaa markii dambe uu agaasimihii na hagayay, Shakti Samanta, ku khasbanaaday in uu Shashi Kapoor ka codsado inuu ka tago meesha wax lagu jilayay."

Atariishadii mar caanka ahaan jirtay ee u dhalatay Talyaaniga, Gina Lollobrigida, ayaa sidoo kale la fajacday quruxdii Shashi Kapoor, Agaasimihii hagista filimada ee caanka ahaa, Ismail Merchant, ayaa buugiisa taariikhda,'Passage to India', oo uu ku qoray qisada filimka Shashi Kapoor ee 'Shakespearewala' waxaa lagu soo bandhigay Bandhigga filimada ee Berlin.

Shashi Kapoor qudhiisa halkaas ayuu joogay markaas, Hal galab ayay isaga, atariishadiisii la oran jiray Madhur Jaffrey iyo Gina Lollobrigida isla soo fuuleen wiishka dabaqa iyagoo aan ku talogaleynin. Sida uu sheegay Ismail Merchant, "Gina way jeclaatay markii ay aragtay Shashi."

Ismail Merchant waxa uu qoray, "in subaxdii xigtay ay ubaxyo u direen Shashi. Balse waxay si khalad ah ugu maleeyeen in Shashi magaciisa uu yahay Madhur, sidaas awgeedna ubaxyadii waxaa loo geeyay Madhur Jaffrey.

Gina waxay u maleysay in uu ka diiday haasaawe. Ma ahayn arrin ay uga baratay ragga, sidaas darteedna maalintii ugu dambeysay ee bandhig faneedka ayay Shashi waydiisay sababta uu uga soo jawaabi waayay farriinta ay u raacisay ubaxyada. 

Markaas ayaa la ogaaday in ubaxyadii Gina aysan gaarin Shashi, Shashi Kapoor "aad buu uga niyad jabay in magaciisa oo la khalday awgiis uu ku waayay fursadda sidaas u fiican". Shashi wuxuu geeriyooday 4-tii bishii December ee sanadkii 2017-kii.

Post a Comment

0 Comments