Puntland ayaa Isniintii si adag u diidday go’aanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya
Puntland ayaa Isniintii si adag u diidday go’aanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay dowladdu la gashay Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid ka hor imaanaysa dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo nidaamka federaalka.
War-saxaafadeed ay Puntland ka soo saartay Boosaaso 12 Janaayo 2026 ayay ku sheegtay in qodobka 142-aad ee dastuurka ku-meel-gaarka ah (2012) uu dhigayo mas’uuliyad wadaag ah oo ku saabsan amniga, ilaalinta xuduudaha iyo habraacyada heshiisyada amniga, taas oo — sida ay sheegtay — ka dhigaysa in go’aan keli-talis ah oo federaalku qaato uusan sharciyad buuxda yeelan Puntland ayaa sidoo kale ku tilmaantay “waxba kama jiraan” go’aanka ay sheegtay in uu ka soo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka ee lagu buriyay heshiisyada mashruuca horumarinta Dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka.
Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka
Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka in muddooyinkii dambe ay si joogto ah ugu shaqeyneysay kala-geyn iyo colaad abuur, iyadoo ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u leexday qar iska tuur” siyaasadeed oo dalka gelinaya khilaaf siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan Puntland waxay xustay in tan iyo 2023 ay si isdaba joog ah u diidday go’aanno ay ku tilmaantay “ku-tumasho dastuur,” kana dhashay isbeddello ay sheegtay in Villa Somalia ku wado hannaanka dowlad-dhiska iyo heshiisyada u dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo ay ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa qawaaniinta iyo dastuurka, isla markaana ay sii wadi doonto heshiisyada ay la gashay Imaaraadka Carabta iyo shirkadda gacanta ku haysa horumarinta Dekedda Boosaaso Puntland waxay sheegtay in Soomaaliya gudaha ahaan iyo dibadda ay u baahan tahay xasillooni, isla markaana aysan jiri karin horumar dhaqaale iyo nabad waarta haddii lagu sii socdo siyaasado ay ku tilmaantay kala-qaybin iyo faragelin” lagu wiiqayo wada shaqaynta heerarka dowladeed.
Go’aanka Puntland ayaa si toos ah jawaab ugu ahaa
Go’aanka Puntland ayaa si toos ah jawaab ugu ahaa mid ay isla Isniintii Muqdisho ku shaacisay xukuumadda federaalka, oo sheegtay inay burisay dhammaan heshiisyadii iyo memorandum-yadii ay Soomaaliya la saxiixatay Imaaraadka, kuna xirtay Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo dekedo istaraatiiji ah oo muddo dheer udub-dhexaad u ahaa muranka awood-qaybsiga federaalka iyo faragelinta dibadda Xukuumadda federaalka ayaa ku sababaysay burinta heshiisyada xadgudub ku saabsan madaxbannaanida, midnimada qaranka iyo siyaasadda dalka, halka ilo-wareedyo ku dhow dowladda ay warbaahinta Somalia Today u sheegeen in go’aanku si gaar ah uga dhashay aqoonsigii Israel ee 26 Diseembar 2025 u fidisay Somaliland.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in qiimeyn sirdoon oo ay dowladda heshay ay muujisay in Imaaraadka si hoose u fududeysay is-dhaafsiga siyaasadeed ee Hargeysa iyo Tel Aviv, iyadoo ka faa’iidaysatay doorkeeda heshiisyada Abraham Accords si Israel looga siiyo marin iyo saameyn istaraatiiji ah oo ku wajahan Badda Cas iyo marin-biyoodka Gacanka Cadmeed Imaaraadka waa maskaxda fulisay howshan ayuu yiri diblomaasi sare oo Soomaaliyeed isaga oo ku eedeeyay Abu Dhabi inay “dhulka Soomaaliya” uga dhiseyso qaab-dhismeed amni oo u adeegaya danaha Imaaraadka iyo Israel iyadoo aan oggolaansho ka haysan Muqdisho.

0 Comments