Madaxweyne Xasan Sheekh oo joojiyay shirkii Dhuusamareeb + Sababta

 





Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray amar lagu joojiyay shirkii madasha aragti wadaaga Heritage ee lagu la filayay in berri uu ka furmo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo mas’uuliyiin badan ay tageen Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dib loo dhigo shirkaas, sababo la xiriira xaaladda soo korortay ee ka dhalatay aqoonsiga Israel ay siisay Somaliland.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan deg-deg ah

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan deg-deg ah isugu yeeray madaxda dowladda, kuwo dowlad goboleedyada iyo madaxdii hore, si looga tashado arrinta midnimada dalka, jawaab mideysana looga bixiyo go’aanka Israel Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shir gaar ah isugu yeeray xildhibaannada labada gole, isaga oo kala arrinsanaya aqoonsiga Somaliland oo noqday halis soo korortay.


Dhaq-dhaqaaqa gudaha waxaa sii dheer dadaallo diblumaasiyadeed oo uu Madaxweynuhu galay

Dhaq-dhaqaaqa gudaha waxaa sii dheer dadaallo diblumaasiyadeed oo uu Madaxweynuhu galay, wuxuuna toos ula xiriiray madaxda gobolka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.


Waxaa kale oo uu la hadlay amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad isaga oo la wadaagay mowqifka joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka Si kastaba ha’ahaatee falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, kaas oo shalay ay ku dhawaaqeen labada dhinac oo saxiixay heshiis muddo dheer usoo socday.


Post a Comment

0 Comments