Go’aanka taariikhiga ah ee ka soo baxay Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Go’aanka taariikhiga ah ee ka soo baxay Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 12-ka Janaayo 2026, waa mid beddelaya wajiga siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka ee Geeska Afrika Go’aankan, oo si toos ah u burinaya dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) gaar ahaan kuwa khuseeya dekedaha istiraatiijiga ah ee Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, iyo iskaashiga milatari waa tallaabo culus oo dib loogu soo celinayo haybadda dowladnimo. Qormadani waxa ay falanqeynaysaa afarta tiir ee ugu muhiimsan ee ka dhalanaya go’aankan.
Go’aanka Golaha Wasiirada waxa uu xambaarsan yahay faa’iidooyin waaweyn oo dhanka midnimada iyo dib-u-yagleelidda dowlad dhexe oo awood leh, waana tallaabo lagama maarmaan u ahayd soo celinta “Qaranimo Dhammaystiran Iyada oo go’aankaan uu toos u taabanayo dakadaha ay Imaraadka joogaan ee dhaca Waqooyiga illaa Koonfurta Soomaaliya Go’aankaan waxa uu Soo Afjarayaa Siyaasadda Is-barbar Yaaca ah ama afka qalaad lagu yiraahdo (Foreign Policy Fragmentation). Dhibaatada ugu weyn ee haysatay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd in dowlad goboleedyada qaarkood ay u dhaqmayeen sidii dowlad-madax-bannaan oo xiriira toos ah la sameynaya dalal shisheeye.
Burinta heshiisyadaan waxa ay soo xireysaa albaabkii cid waliba ay soo galeysay ee dowladda kaga furnaa dhanka maamul goboleedyada kaasi oo si didban u ahaa (divide and rule) ee shisheeyuhu isticmaalayay Marka Dowladda Federaalka ay laasho heshiisyada dekadaha Berbera iyo Boosaaso, waxa ay diraysaa farriin cad oo ah in hal albaab oo kaliya laga soo geli karo Soomaaliya, kaasna uu yahay Muqdisho.
Go’aankaan waxa uu xaqiijinayaa Madaxbannaanida Dhuleed iyo Dhaqaale ee dalka. Dekedaha waa ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha iyo amniga qaranka. In maamul shisheeye (sida DP World) uu gacanta ku hayo dekedaha ugu muhiimsan dalka iyadoo aan ogolaansho buuxda laga haysan dowladda dhexe ama baarlamaanka qaranka, waxa ay ahayd xadgudub dastuuri ah Go’aankan waxa uu dib u soo celinayaa awoodda maamul ee kheyraadka dalka, taas oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay heshiisyo caalami ah oo hufan la gasho maalgashadeyaal ixtiraamaya sharciga dalka iyo madax-banaanidiisa.
Tallaabooyinka noocaan ah waxa ay inta badan abuuraan mowjado waddaniyadeed. Shacabka Soomaaliyeed oo arkayay saameynta taban ee faragelinta shisheeye gaar ahaan tan Imaaraadka oo iyadu dagaalo badan oo ka holcaya Yemen iyo Sudan ku leh, go’aankan waxa uu u noqonayaa mid ay ku diirsadaan Waxa ay mideyneysaa bulshada in ay arkaan dowlad difaaceysa sharafta calanka, taasina waxa ay yareynaysaa isku-haleynta maamul-goboleedyada, iyadoo xoojinaysa tiirka dowladda dhexe.
Saameynta taban ee uu ku yeelan karo Imaaraadka Carabta
Go’aankan waxa uu dharbaaxo weyn oo dhanka istiraatiijiyadda iyo dhaqaalaha ah ku yahay Dowladda Imaaraadka Carabta, taasoo sanado badan maalgelinaysay sidii ay u maamuli lahayd marinnada biyaha ee Geeska Afrika Luminta Gacan-ku-haynta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya: Istiraatiijiyadda Imaaraadka ee loo yaqaan “String of Pearls” ama silsiladda dekedaha, waxay ku dhisnayd in ay maamulaan dekedaha Berbera, Boosaaso, iyo kuwo kale oo Yemen ku yaalla si ay u xakameeyaan ganacsiga caalamiga ah. Soomaaliya oo albaabada ka xiratay Imaaraadka waxa ay ka dhigan tahay in silsiladdii go’day, taasina waxa ay wiiqeysaa awooddii ay ku lahaayeen maamulka marinka Baab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya Shirkadda DP World iyo hay’adaha kale ee Imaaraadka waxa ay malaayiin dollar galiyeen dhismaha iyo ballaarinta dekedahaas.
Burinta heshiisyadaas oo ah kuwo sharci darro ku tilmaaman dastuurka Soomaaliya awgeed, waxa ay Imaaraadka u horseedi doontaa khasaare maaliyadeed oo toos ah, maadaama aysan haysan sharciyad caalami ah oo ay ku sii joogaan dhul Soomaaliyeed oo dowladdii dhexe ay ka eriday, sida dhacdadii ay kala kulmeen Jabuuti Haddii Soomaaliya ay qaadato go’aankan, waxa ay dhiirrigelin kartaa dalal kale oo Afrikaan ah oo dareensan culeyska faragelinta Imaaraadka in ay qaadaan tallaabooyin la mid ah. Tani waxa ay meesha ka saareysaa riyadii Imaaraadka ee ahayd inay noqoto “Quwadda Dhexe” ee maamusha siyaasadda Geeska Afrika.
Sumcadda Imaaraadka ee sii xumaaneysa
Go’aanka Soomaaliya ma aha dhacdo gooni u taagan, balse waa qayb ka mid ah silsilad guuldarrooyin ah oo soo wajahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraadka sanadihii u dambeeyay (2020-2026) Sida la ogsoon yahay, isbeddelka siyaasadeed ee 2024-2025 waxa uu keenay in Sacuudiga, Masar, iyo Turkiga ay sameystaan isbaheysi istiraatiiji ah oo ujeedkiisu ahaa xasilinta Badda Cas.
Isbaheysigan waxa uu si tartiib-tartiib ah u wiiqay saameynta Imaaraadka ee Koonfurta Yemen iyo jasiiradda Socotra, iyagoo u arkayay ajandaha Imaaraadka mid khatar ku ah amniga guud ee Carabta iyo gobolka madaama ay ku daabantahay Isra’iil. Ka saarista Imaaraadka ee saxaadda Yemen waxa ay muujisay in awooddooda milatari iyo diblumaasiyadeed aysan u babac-dhigi karin markii quwadaha waaweyn (Regional Powers) ay midoobaan.

0 Comments