DF oo baareysa inuu garoonka Muqdisho ka dhoofay Caydaruus Al-Zubaydi

 






Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo saartay

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Caydaruus Al-Zubaydi oo u baxsaday dalka Imaaraadka Carabta uu shalay ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ‘isku maray Muqdisho iyo Berbera’.


Bayaan kasoo baxay Hay’adda oo ku qornaa luqadda English-ka ayaa waxaa lagu sheegay

Bayaan kasoo baxay Hay’adda oo ku qornaa luqadda English-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baareyso wararka la xiriira in Caydaruus Al-Zubaydi uu ka safray Soomaaliya, uuna u baxsday Imaaraadka Carabta Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay ku ilaalineyso midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbalayn isticmaalka hawadeeda, iyada oo aan loo haysan wax ogolaansho ah.


Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo goor sii horreysay oo maanta ah

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo goor sii horreysay oo maanta ah uu Isbaahaysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ee dalka Yemen bayaan uu soo saaray uga hadlay dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Caydaruus Al-Zubaydi oo ay taageerayeen Imaaraadka Carabta, kaas oo Arbacadii baxsaday, xilli laga sugayay inuu tago Riyaadh oo Sacuudiga uu dhigay gogol ay ku wada-hadlayaan dhinacyada koonfurta Yemen Isbaheysiga ayaa bayaankiisa ku sheegay in Caydaruus Al-Zubayd uu Cadan uga soo baxay doon, isaga oo ku tegay magaalada Berbera, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil Imaaraati ah, ayna kusii qaaday diyaarad gaar ah oo u duushay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.


Waxa kale oo uu Isbaheysigu qoraalkiisa ku caddeeyay in daqiiqado uu ku hakaday garoonka Aadan Cadde, kadibna safarkiisa uu ku gaaray magaalada Abu Dubai ee caasimada dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta Dhacdadan ayaa xiisad hore leh sii gelinaysa dowladda Soomaaliyeed oo horay ula safatay Sucuudi Carabiya, iyada oo taageertay hoggaamintiisa arrimaha Yemen, waxayna dhanka kale kasoo horjeesatay dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka.



Post a Comment

0 Comments