Qufaca caadiga ah wuxuu socon karaa toddobaadyo wuxuuna keeni karaa cune-xanuun
Qufaca caadiga ah wuxuu socon karaa toddobaadyo wuxuuna keeni karaa cune-xanuun, murqo xanuun, iyo hurdo la'aan. Sidaa darteed, ma aha wax lala yaabo in dadku raadinayaan daawooyin qufac iyo in uu jiro suuq weyn oo loogu talagalay alaabooyinka xalliya dhibaatadan Laakiin hababkani dhab ahaantii ma shaqeeyaan, mise jira siyaabo kale oo aan lacagta ku badbaadsan karno anaga oo badalayna alaabooyinka horey uga jira armaajooyinkeena? Dhegeystaha BBC Radio 4 ayaa su'aashan u soo gudbiyay barnaamijka Sliced Bread
Soo-jeediyaha barnaamijka, Greg Foot, wuxuu sidoo kale la xiriiiray Professor Jacky Smith, oo ah khabir ku taqasusay xanuunada neef-mareenka (pulmonologist) oo ka tirsan Jaamacadda Manchester, islamarkana waxaa uu maamulaa xarun lagu daweeyo qufaca Sida ay sheegtay Smith, waxaa jira laba nooc oo qufac ah: qufac qalalan iyo qufac xabadka ah oo badanaa la socdo candhuuf Sharoobada lagu daweeyo labadaba waa la heli karaa. Daawooyinkani qufaca si buuxda uma daaweeyaan, laakiin waxay bixiyaan nafis yar Laakiin Smith marnaba ma isticmaalo. Nooc kasta oo qufac uu leeyahay, daawadiisa ugu kalsoonida badan waa malab iyo liin.
Isku darista malab iyo liin biyo kulul waa daawo guriga lagu sameysan karo
Isku darista malab iyo liin biyo kulul waa daawo guriga lagu sameysan karo oo lagu daaweeyo qufaca Nasiib darro, ma u maleynayo in ay jirto wax caddeyn ah oo muujineysa in Huruudka uu joojiyo qufaca," ayay tiri Smith Laakiin taasi macnaheedu maaha in si buuxda loo caddeeyey in uu waxtar la'aan yahay. Kaliya cilmi-baaris ku filan ma jirto ayay intaa ku daray Si kastaba ha ahaatee, cabista Huruudka sida cabitaan oo kale waxay yeelan kartaa qaar ka mid ah faa'iidooyin Smith ayaa tiri Xitaa liqidda marka cunuhu xasaasiyad dareemayo oo uu ku xajiimoonayo waxay u badan tahay inay ka caawiso joojinta qufaca iyadoo la yareynayo xajiinta cunaha Haddii waxa aad cabto uu kulul yahay oo dejinaya, saameyntu waxay noqon kartaa mid xitaa ka weyn
Sinjibiil iyo Toon Sida ay sheegtay Smith, inkastoo aysan jirin xog adag, sinjibiil iyo toon waxay kiciyaan kanaallo ion taasi oo yaryar oo kiciya qufaca ee cunaha iyoneef mareenka Receptors-ka TRPA1 waxay u shaqeeyaan sidii ilaalin loogu sameeyo neefsiga xubnaha mareenka si ay uga hortagaan kiimikooyinka waxyeellada leh isla markaana uga horjoogsadaan in qaybaha cuntada ay galaan sambabada Smith waxay tiri Buuxinta receptors-kan ee cunaha adigoo isticmaalaya sinjibiil ama toon waxay ka dhigi kartaa kuwo dareen yar Qaar ka mid ah daawooyinka qufaca iyo lozenges-ka waxay ka kooban yihiin maadada capsaicin. Sidaa darteed, aragti ahaan, waa suurtogal."
Shukulaatada madow Smith waxat tilmaantay in shukulaatada ay ka kooban tahay kiimiko la yiraahdo 'theobromine,' wuxuuna sheegtay in dhowr sano ka hor, shirkad ay sameysay tijaabooyin si loo arko haddii ay kiimikadan u horumarin karaan sidii daawo qufac Sababtoo ah daraasado shaybaar ah ayaa muujisay in theobromine uu yareeyo dareenka neerfayaasha kiciya falcelinta qufaca. Laakiin saameyntu waxay noqotay mid aad u yar Haddii aad ka fiirsanayso inaad isku daydo habkan (waxaan qirnaa, waa doorashada ugu soo jiidashada badan), dooro shukulaatada madow oo leh maaddo badan oo kakao ah; maaddada kakao ee sareysa, ayaa ka badan theobromine Smith waxay xusay in ay adag tahay in wax go'aan ah laga sheego probiotics waqtigan.
Cilmi-baaristu weli waxay ku jirtaa heerarkeeda hore
Cilmi-baaristu weli waxay ku jirtaa heerarkeeda hore. Ma cadda weli in wax la liqo ay beddelaan bakteeriyada caloosheena, haddii ay sidaas tahayna, in taas ay saameyso falcelinta qufaca ama bararka neef- mareenka Haddaba, waa kuwee cuntooyinka sii kordhin kara qufaca? Smith waxay xustay in sannado badan bukaannadeeda rugta qufaca ay sheegeen in caanaha iyo alaabooyinka caanaha laga sameeyo ay uga sii darayeen qufacooda, laakiin waxay intaa ku dartay in aysan jirin caddeyn saynis ah oo taageerta sheegashadan Waxaa laga yaabaa sababtoo ah waxay leeyihiin qaab dhismeed daboolaya cunaha, taasoo kaa dhigi karta inaad dareento xabeeb haddii aad leedahay qufac leh candhuuf Wax kaliya ee rugta Smith ay ka codsato bukaannada qaba qufaca inay ka fogaadaan waa kafeega:
Ma jiraan caddeyn toos ah oo muujineysa in kafeynku kordhiyo qufaca. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta aragti sheegaysa in kafeegu uu kiciyo dib-u-milicsiga , wax kasta oo kordhiya dib-u-kicintaas ayaa sidoo kale kiciya qufaca Maxaad cuni kartaa ama cabi kartaa haddii aad qufac leedahay? Talo bixinta ugu weyn ee Smith waa in la isticmaalo malab. Waxaa kale cabista biyaha si joogto ah ayay aad u faa'iido badan tahay Liqiddu waxay yaraysaa xanuunka qufaca waxayna dejisaa cunaha. Bukaankeyga badan ayaa tan maalin kasta u isticmaala si ay u xakameeyaan qufacooda Marka, waxaa la dhihi karaa in daawooyinka badan ee laga helo guriga ay ka fiican yahay kuwa kale.

0 Comments