Xarunta degmo ka tirsan Puntland oo ay xoog ku haystaan kooxo hubaysan

 






Maamulka degmada Gaalkacayo ayaa sheegay in maalintii saddeedaad

Maamulka degmada Gaalkacayo ayaa sheegay in maalintii saddeedaad ay kooxo hubaysan oo lacago sharci-darro ah sheeganaya ay xoog ku haystaan xarunta degmadaasi Maamulka degmada oo warqad codsi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Taliska Booliska Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dalbatay in ciidamo Boolis iyo Daraawiish iskugu jira la keeno degmada, si wax looga qabto arrintaan Maamulka degmada ayaa sheegay in haddii ay sii socoto arrintaan ay ka dhalan doonto in dad si sharci ah degmada ugu leh lacago ama waajibaadyo kale ay isku dayaan inay xoog wax ku raadsadaan.


Waxaa jiri doona khatar ah in mustaqbalka dhow ay sidoo kale 

Waxaa jiri doona khatar ah in mustaqbalka dhow ay sidoo kale awood sheegtaan dad kale oo leh sheegashooyin sharci ah, taas oo keeni karta fowdo amni iyo burbur ku yimaada kala dambeynta Degmada, isla markaana adkeyn doonta in si sharci ah wax looga qabto ayaa lagu yiri warqadda maamulka degmada u diray maamulka Puntland Hoos ka aqriso qoraalka degmada oo dhameystiran UjeeddoSoo gudbin warbixin ku saabsan xaaladda amniga ee degmada Gaalkacyo Mudane Wasiir, Mudanayaal Mas’uuliyiin Sharaf Leh, iyo Mudane Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ogaal ahaan ku jira warqaddan,


Anigoo ah Duqa Degmada Gaalkacyo, waxaa sharaf ii ah inaan idiin soo gudbiyo warbixin ku saabsan xaaladda amni ee ka jirta Degmada Gaalkacyo, taas oo u baahan in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin wax ku ool ah Mudanayaal, muddooyinkii u dambeeyay, xarunta Degmada Gaalkacyo waxaa marar kala duwan si sharci-darro ah u qabsaday kooxo hubeysan oo isugu jira ciidamo beleed Kooxahan ayaa sheeganaya lacago aan sharci ahayn, iyagoo adeegsanaaya awood ciidan iyo handadaad.


Dhanka kale waxaa jira dad si sharci ah Degmada ugu leh

Dhanka kale waxaa jira dad si sharci ah Degmada ugu leh lacago ama waajibaadyo kale, haddana haddii la oggolaado in lacago sharci-darro ah lagu bixiyo xoog iyo cabsi gelin, waxaa jiri doona khatar ah in mustaqbalka dhow ay sidoo kale awood sheegtaan dad kale oo leh sheegashooyin sharci ah, taas oo keeni karta fowdo amni iyo burbur ku yimaada kala dambeynta Degmada, isla markaana adkeyn doonta in si sharci ah wax looga qabto.


Arrintaasi waxay si toos ah u saameyneysaa amniga, maamulka wanaagga, iyo kalsoonida ay shacabka Degmadu ku qabaan hay’adaha Dowladda Talo soo-jeedin Mudanayaal, si wax looga qabto xaaladda amni ee Degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, waxaan talo ku soo jeedinayaa qodobada hoos ku xusan:


In si degdeg ah Degmada Gaalkacyo loogu soo dajiyo ciidan isugu jira Boolis iyo Daraawiish, si loo xaqiijiyo amniga xarumaha Dowladda loona soo celiyo kala dambeynta sharciga In baaritaan rasmi ah lagu sameeyo kooxaha hubeysan ee si sharci-darro ah u qabsaday xarunta Degmada, lana horgeeyo hay’adaha sharciga cid kasta oo lagu helo ku xadgudubka amniga iyo hantida Dowladda.


Post a Comment

0 Comments