Jadwalka doorashada qof iyo codka ah oo la shaaciyay

 





Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, taas oo in muddo ah laga soo shaqeynayay


Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo galabta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.


Cabdikariim ayaa ku dhaqaaqay in shacabka gobolka Banaadir

Cabdikariim ayaa ku dhaqaaqay in shacabka gobolka Banaadir ay 25-ka bishan u dareeri doonaan dooraahada golaha deegaanka, si ay codkooda ugu doortaan mas’uuliyiintii hoggaamin lahayd 25 bisha soo socota waxaa Gobolka Banaadir looga dareeri doonaa doorasho qof iyo cod ah. Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan,


Sidoo kale wuxuu fariin u diray xisbiyada iyo musharrixiintooda

Sidoo kale wuxuu fariin u diray xisbiyada iyo musharrixiintooda, isaga oo ugu baaqay inay u hoggaansamaan habraaca doorashooyinka ee ee guddigu mas’uul ka yahay Dhinaca kale, ururada siyaasadda ee isdiiwaangeliyay ayaa goor horena sii bilaabay ololahooda doorashooyinka, si ay shacabka uga helaan codadka lagu soo baxayo


Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah oo ay dalka ku hoggaamineyso Villa Soomaaliya oo taageerto ka heleyso qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka, waxaase dhanka kale diidan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.


Post a Comment

0 Comments