Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalkii kaga qaaday laba wasiiru-dowle oo ka tirsanaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Labadan wasiir ayaa kala ah: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Ismaaciil Shire Jaamac, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Asad Cabdirisaaq Maxamed.
Sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Xamza
Sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Xamza, go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobbada 120-aad iyo 117-aad ee Dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, isla markaana la tixgeliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha wasaaradaha Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiintan muddadii ay u soo shaqeeyeen qaranka, isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan ayaa lagu yiri qoraalka.
Labada mas’uul ee xilalka laga qaaday ayaa sheegay
Labada mas’uul ee xilalka laga qaaday ayaa sheegay horraantii Maarso inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen xukuumadda, iyagoo qayb ka ahaa xildhibaanno si cad uga hor yimid qorshaha wax ka beddelka dastuurka iyo siyaasadaha dowladda federaalka ee la xiriira dowlad goboleedyada Xildhibaannadan ayaa sidoo kale muujiyay mowqifkooda siyaasadeed, iyagoo dib ugu laabtay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, halkaas oo ay si cad ugu taageereen maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhexeeyo dowladda dhexe.
Sidoo kale, xubno kale oo kasoo jeeda dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa iyaguna toddobaadyadii lasoo dhaafay iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda federaalka, taasoo sii muujinaysa kala aragti duwanaanshaha ka dhex jira hay’adaha dowladda Si kastaba, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda soo magacaabo mas’uuliyiinta cusub ee buuxin doona xilalkan bannaan, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan dowladda.
.webp)
0 Comments