Kadib hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya
Kadib hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-areen) oo goordhaweyd sheegay in uu cafis guud u fidiyay ciidamada ka tirsanaa maamulkiisa ee ku biiray mucaaradka, isla markaana ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qayb-galeysa doorashada ayaa si weyn loo soo dhaweeyay hadalkaasi, wuxuuna ku helay taageerada gooni ah.
Ujeedka ayaa lagu sheegay in Lafta-gareen uu fursad aan xadidnayn uu siiyay ciidamadaas, si looga baaqsado dagaal ay la galaan maamulkiisa, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan ciddii ka qayb-galeysa doorashada ka dhaceysa Baydhaba, sida uu sheegay afhayeenkiisa.
Dowladda Koonfur Galbeed waxay ku baaqeysaa
Dowladda Koonfur Galbeed waxay ku baaqeysaa muwaadininta Koonfur Galbeed meel walba oo ay joogaan kuwa daneynaya inay ka qayb-qaataan doorashada haddii ay tahay doorashada goleyaasha wakiilada iyo tan madaxweynaha inay kasoo qayb-geli karaan saaxadduna ay u furan tahay. Dowladda ayaa ballan qaadeysa ammaankooda iyo ilaalintooda waxaase mamnuuc ah in musharrixiinta ay hub soo qaataan” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.
Arrintan ayaa waxaa durbo taageeray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka cafinta iyo baaqa doorashada ee kasoo baxay xagiiska madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka wanaagsan ee Southwest State of Somalia
Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka wanaagsan ee Southwest State of Somalia ee cafis fidinta iyo ku baaqista doorasho u furan dhammaan daneeyeyaasha. Waa gudashada waajibaadka dastuuriga. Koonfur-Galbeed waxay dagaal ka dooratay nabad, colaadin waxay ka dooratay cafis, sharci-darrana waxay ka dooratay doorasho u furan musharraxiinta oo dhan. Waxaan rajaynayaa in go’aankaas wanaagsan la soo wada dhaweeyo, lagana dhabeeyo” ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed.
Waxaa kale oo uu kusii daray Waa bisayl dowladnimo iyo tallaabo ay tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu cashir ka qaato, xayiraadda diyaaradahana waa inuu ka qaado musharraxiinta Koonfur-Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, iyadoo weli ciidamo lagu sii wado deegaannada maamulkaasi, taas oo sii murjineyso xaaladda taagn, isla markaana keeni karta inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac Si kastaba, ha’ahaatee xaaladda ayaa hadda u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

0 Comments