Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 80-sano guuradii ka soo wareegatay guushii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay ka gaartay dagaalkii ay la galeen Japan intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.
Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda
Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu ugu horeyn hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Shiinaha isagoo xusay in guushaasi ay ahayd mid taariikhi ah oo horseeday xorriyadda iyo horumarka Shiinaha ee maanta.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka xiriirka labada dal, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradda horumarineed ee Shiinaha, si ay u gaarto horumar waara.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, wakiilo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjirayaasha iyo wakiiladda qaar ka mid ah dalalka caalamka u jooga dalkeena iyo marti sharaf kale.

0 Comments