Muungaab oo ka farxiyay ganacsato Suuqoodii la boobi rabay

 




Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta kormeer ku tagay Suuqa Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda, halkaas oo uu si cad uga sheegay in aysan jirin cid gaar ah oo cabbir ku sameyn karta dhulka suuqaasi ama suuqyada kale ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ganacsatada suuqaasi ay muddooyinkii la soo dhaafay soo gudbinayeen.


Intii uu ku sugnaa suuqa, Dr. Muungaab waxa uu kulan la yeeshay

Intii uu ku sugnaa suuqa, Dr. Muungaab waxa uu kulan la yeeshay guddi ka socday ganacsatada, isaga oo ku wargeliyay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan marnaba aqbali doonin isku day kasta oo dhul-boob ah, isla markaana ay maamulka ka go’an tahay difaaca suuqyada iyo hantida guud ee magaalada.


Ganacsatada Suuqa Xamar Jadiid ayaa soo dhaweeyay go’aanka 

Ganacsatada Suuqa Xamar Jadiid ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu ku dhawaaqay Duqa Muqdisho, iyagoo uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay cabashadooda iyo garab istaagga uu u muujiyay, si looga hortago isku dayo ay samaynayeen shakhsiyaad doonayay in ay si sharci-darro ah dhulka suuqa u hantaan. Waxay xuseen in suuqaasi uu muhiim u yahay nolosha ganacsi iyo dhaqaale ee degmada Warta Nabadda iyo nawaaxigeeda.


Waxaa xusid mudan in Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho uu hore u fashiliyey isku day kan la mid ah oo kooxo abaabulan ku doonayeen in ay dhul ku boobaan qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha. Tallaabada maanta ayaana noqonaysaa middii labaad oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mawqif cad ka istaago isku dayo dhul-boob oo lala damacsanaa suuqyada magaalada Muqdisho.


Post a Comment

0 Comments